Dhageyso:-Siyaasi Salaad Cali Jeelle oo shaaciyay halka laga soo abaabulay mooshinka Madaxweynaha

Maalin ka hor ayay aheyd markii Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay mooshin ka gudbiyeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Inta badan Shacabka Soomaaliyeed iyo Siyaasiyiinta qaarkood ayaa waxa ay aaminsan yihiin in mooshinkaas laga soo abaabulay dalal Shisseeye,hayeeshee taas waxaa ka duwan Siyaasi Salaad Cali jeelle.

Siyaasiga oo Wareysi siiyay Warbaahinta Dalsan ayaa waxa uu sheegay in mooshinka Madaxweynaha Xildhibaanada ka keeneen in uu yahay mid lagu curyaaminayo Hay’adaha Amniga.

Waxa uu sheegay in Mooshinka Madaxweyne Farmaajo laga keenay ay soo abaabuleen waxa uu ugu yeeray Argagaxisada oo uu ula jeeday Al-Shabaab.

Mooshinkii laga gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa uu khilaaf ka dhex abuuray guddoonka Golaha Shacbaka iyo Xildhibaanada qaarkood oo kasoo horjeestay mooshinkaas.

Dhageyso Codka Siyaasi Salaad Cali Jeelle.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor