Dhageyso:-Shirka Amniga Qaranka oo Maanta ka furmaya Muqdisho

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in Saacadaha soo socda ee Maanta ah uu ka furmo shirka amniga Qaranka oo dhowr mar horay loo qabtay.

Shirkaas ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda dalka ugu sareysa iyo kuwa Dowlad goboledyada dalka ka jira kuwaas oo hadda qaarkood ku sugan Magaalada Muqdisho marka laga reebo Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir Gudoomin doono kulanka,waxana looga hadli doonaa dadrdar gelinta amniga dalka iyo waxyaabihii uga hirgalay shirarkii ay horay ugu qabsoomay.

Laba Maalin ayuu shirkasi socon doonaa,waxana Maanta Gelinka hore la sugayaa in ay Muqdisho soo gaaraan Madaxweynayaasha Jubbaland iyo koonfur Galbeed oo aan weli Muqdisho Imaan.

Madaxweynaha Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas oo shalay gelinkii dambe soo gaaray Muqdisho ayaa shaaciyay in uu raja weyn ka qabo in ay wax wanagsan shirkaasi ka soo baxaan.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Gaas.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media