Dhageyso:-Sheekh Maxamed Shaakir oo ka hadlay Khilaafka Galmudug kana soo horjeestay Warka soo baxay Wasiirka Arrimaha Gudaha

Weli waxaa meel xasaasi ah maraya muranka ka soo dhex cusboonaaday madaxda maamul goboleedka Galmudug ee salka ku haya qaabkii loo fuliyay heshiiskii awood qeybsi ahaa ee ay ku midoobeen ururka Ahlu-Sunna iyo maamulka Galmudug.

Madaxa xukumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa sheegay in khilaaf uusan jirin, gaashaankana u daruuray baaq uga yimid dowladda oo ahaa inay shir lagu xalyinayo khilaafka isugu yimaadaan.

Waxa uu hadalkiisa imtaasi ku daray in Maamulka Galmudug waxkasta oo khilaaf ah oo dhexdooda soo galay ay iyaga is xalin doonaan,isla markaana cidii ay doonaan ay wacanayaan.

Isaga oo Wareysi siinayey Idaacadda Voa Laanteeda Afka soomaaliga ayuu beeniyey in isbedel lagu sameeyey heshiiskii Galmudug iyo Ahlusunna ee Jabuuti,kadib markii eedeyn ka timid amdaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Hoos ka Dhageyso Codka Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media