Dhageyso:-Shariif Xasan oo la kulmay Saraakiil ka socotay dowladda Britain+Sawirro

Wefdi uu hogaaminayay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Maalmo kadib waxa uu dib ugu laabtay Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Wefdiga ayaa  waxaa Garoonka diyaaradaha Magalada Baydhabo ku soo dhaweeyay masuuliyiin ta tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya,kuwaas oo ku sii sugayay Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo.

Shariif Xasan ayaa  ka yimid Magalada Dhuusmareeb ee Casimadda Galmudug oo uu uga qeyb galay shirkii ay ku midoobeen Madaxda Galmudug iyo Ahlusunna oo uu sidoo kale Goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Soomaaliya.

Intaasi kadib Shariif Xasan ayaa  Xafiiskiisa ku qaabiley saraakiil ka socotay Dowladda Ingiriiska,waxana ay ka wada hadleen Xaaladda Guud ee deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya  iyo sidii ay Maamulka taageero u siin lahaayeen.

Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Nuuradiin Yuusuf Abuukar Gacma oo Warbaahinta la hadlay ayaa u faah faahiyay waxyaabihii uu Shariif Xasan kala hadlay Saraakiisha ka socotay dowladda Britain.

Hoos Ka Dhageyso Codka kana Daawo Sawirrada.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media