Dhageyso:-Shacabka Muqdisho sidee ayay u arkaan xilka qaadistii Taabit iyo Magacaabista Yariisow?

Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho ayaa aragtiyo kala duwan ka dhiibtay sida ay u arkaan xilka qaadistii Gudoomiyihii gobolka Banaadir Taabit Cabdi  Maxamed iyo Magacaabista En, Yariisow.

Qaar ka mid ah Shacabka Muqdisho oo uu Mikrafoonka la dhex qaaday Wariyaheena Saleemaan Xaaji Axmed Raage ayaa waxa ay sheegeen qaarkood in  ay qalad aheyd xilka qaadista waqtigaan ee Taabit.

Sidoo kale qaarkood ayaa iyana aaminsan in Taabit uu wax badan qabtay balse ay u arkaan xilka qaadistaas mid isbedel weyn ku keeni karta amniga Gobolka Banaadir.

Gudoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa waxaa looga qaaday xilka Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya iyada oo lagu bedelay Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo ahaa Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya.

Hoos Ka Dhageyso Codadka Shacabka Muqdisho.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media