Dhageyso:-Saraakiisha Ahlusunna oo fariin u diray dowladda Federaalka

Saraakiisha Ciidanka Ahlusunna Waljameeca ee dhawaan lagu qarameeyay Magaalada Dhuusamareeb,isla markaana lagu biiriyay Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in hoos tagaan hogaanka Ahlusuna.

Qaar kamid ah Saraakiisha Ciidanka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowladda Federaalka looga baahan  inay fuliso heshiiskii ay la geshay Ahlusunna ayna waxkasto ay u baahan yihiin  u soo marsiiyaan hogaankooda.

Sidoo kale Saraakiisha Ahlusunna ayaa tilmaamay in heshiiska dowladda iyo Ahlusunna loo wajaho sidii loogu tala galay,isla markaana laga daayo gacan bidixeyn ay sheegeen in lagu haayo,iyagoo dowladda uga digay inay ka baxdo arrimhaas.

Dowladda federaalka ayay sheegeen inay tahay dowladooda ayna diyaar u ahaayeen inay la shaqeyaan,hayeeshee aysan suuragal aheyn inay iska hor keento iyaga iyo Madax sare ee Ahlusunna.

Si kastaba hadalka qaar kamid ah Saraakiisha Ciidanka Ahlusunna Waljameeca kasoo yeeray ayaa waxaa uu  kusoo beegmayaa,iyadoo dhawaan Ciidankii Ahlusunna lagu biiriyay Ciidamada dowladda,isla markaana qarameeyay.

Hoos ka Dhageyso Codka Saraakiisha Ciidanka Ahlusunna.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media