Kadib shir jaraa’id uu Maanta Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari  uu ku qabtay Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabduweli Gaas oo uu ku taageeray Dowladda Imaaraadka ayaa waxaa Go’aankaas ku raacay Sanoter ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya.
Gudoomiyaha xiriirka dibadda ee xildhibaanada aqalka sare ee barlamaanka Soomaaliyeed Mudane Senator Cabdirisaaq Cismaan Xasan Jurile ayaa sheegay in Imaaradka uu yahay dal siweyn u taageeray Puntland,isla markaana asyan jirin cid ay ku doorsanayaan.
Waxa uu sheegay in Imaaraadka uu waligiis gacanweyn siin jiray Maamulka puntland,isla markaana sinaba asyan u kala goeyn sida uu hadalka u dhigay.
Weli Dowladda Federaalka Soomaaliya Madaxdeeda kama hadlin Go’aanka uu qaatay Madaxweynaha Maamulka Puntland ee uu ku difaacay Imaaraadka Carabta,iyada oo uu jiro khilaaf u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka.
Hoos Ka Dhageyso Codka Sanoter-ka.