Dhageyso:-RW ku xigeenka dalka “Siyaasiyiin xanaaqsan ayaa lasoo taagan waxba lama qaban ee ha arkaan…

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuled (Khadar) ayaa si kulul u weeraray Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda,kuwaas oo mararka qaar dhaliila Siyaasada dowladda.

Waxa uu sheegay inay jiraan Siyaasiyiin farabadan oo xanaaqsan oo aan arkeyn waxa ay qabatay Dowladda ama Gobolka Banaadir,isla markaana mar walba sheegaya in aan waxba la qaban.

“Mudane Guddoomiye Waxaa jira niman badan oo saaxiibadeena ah oo aan waxba arkeyn,siyaasiyiinta xanaaqsan oo mar walba lasoo taagan waxba lama qaban iyo qabyo waa halkeedii ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed”

Hadalkaan ayaa Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya waxa uu ka sheegay munaasabad lagu soo bandhigayay waxqabadka Halka sano ee maamulka gobolka Banaadir ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cumar cismaan Yarisow.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor