Dhageyso:-RW Kheyre”Aniga iyo Madaxweynaha Ma aqbaleyno nala yiraa nala Shaqeysta ama waan idin rideynaa’

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan dalka Qatar ayaa si kulul u weeraray Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda Federaalka Soomaaliya,xilli uu kulan la qaatay siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Xasan Cali kheyre ayaa sheegay in isaga iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aysan aqbaleyn in la cabsiiyo.

“Inta aan anaga joogno xukunka, waxaan idiin balan qaadayaa in aanan aqbali doonin in nalaga cabsiiyo dariiqa saxda ah, in aanan aqbali doonin in nala yiraahdo nala shaqeysta haddii kale waan idinka ridayna,

inta aan anagu madaxna nahay anigoo ku hadlaayo kayga iyo kan Madaxweynaha waxaan idiin sheegi doonaa Sharafta aan raadinayno kama raadinayno Qab qablayaal ee waxaan ka raadinaynaa shacabka Soomaaliyeed ayuu yiri RW Kheyre.

Hadalka kasoo baxay Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa u muuqday farriin ku socota Siyaasiyiinta mucaaradka ah dowladda,iyada oo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacbaka ay mooshin ka keeneen Madaxweyne Farmaajo.

Hoos Ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaare Kheyre.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor