Dhageyso:-RW Kheyre”Ajnabi inuu dhiso Garoonka Stadium Muqdisho Shacabka ha iska iloobaan”

Mas’uuliyiin uu Hogaaminayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa waxa ay tageen  Maanta Garoonka Kubada Cagta Ee Stadiom Muqdisho Halkaasi oo ay kaga  dhawaaqeen ol olo lagu Nadiifinayo Xarunta Gudaheeda oo dhawaan ay ka guureen Ciidamada AMISOM oo 7 Sano Xero Ciidan u aheyd.

Xubanaha Gaaray Garoonka waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan  Cumar Cusmaan (Yariisoow) Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahadi Maxamed Guuleed Khadar,Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Duqa Muqdisho oo khudbad  ka jeediyey Goobta ayaa Shacabka ku nool Shacabka Gobolka ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan Nadaafada Garoonka Stadiom Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare kheyre oo ka mid ahaa Madaxdii halkaasi ka hadashay ayaa goobta kaag dhawaaqay olole lagu nadiifinayo gudaha Garoonka,waxaana uu sheegay in Shacabka ay iska iloobaan in Ajnabi u dhiso Garoonka balse la doonayo inay iyagu dhistaan.

Hoos Ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor