Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Maanta Xariga ka jaray mid kamid ah Xabsiyadda ugu weyn ee Qaaradda Afrika oo si Casri ah looga dhisay Magaalada Muqdisho.
Munaasabadda xarig jarka ayaa waxaa ka qeyb galay Madax ka tirsan Dowlada Soomaaliya,iyadoo si rasmi ah loo daahfuray Xabsiga oo ku dhex yaalla Xarunta Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo ku taalla Ex Kontorool Afgooye ee Magaalada Muqdisho.
Dhisida dhismaha Xabsigan ayaa waxaa la bilaabay 2016-kii,waxaana xiligaas dhagax dhigay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke.
Wariye Cabdifitaax Kal-gacal oo ka tirsan Warbaahinta Dalsan oo ku sugan Goobta Munaasabadda ayaan ka Wareysanay sida ay Xaflada u dhacday.