Dhageyso:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo shaaciyey mowqifka dowladda ee dhismaha Ciidamada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in Sanadkii la soo dhaafay dowladda Soomaaliya hadafka ugu weyn ee horyaallay uu yahay dib u dhiska ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Kheyre in marwalba ay diyaar u yihiin in ay bixiyaan xaquuqda Ciidamada si ay ugu guuleystaan sugida Amniga dalka dalka Guud ahaan.

“Waxaan diyaar u nahay in nafteena aan u bixino sida ay naftooda u huray ciidamada qarankooda difaacaya,waxaan diyaar u nahay in aan bixino xaquuqdooda,ciidamadii dalkaan gumeysiga ka xorreeyey maleheyn tababarka ciidankeena ay hadda leeyihiin  sidaasina ay muhiim tahay in ay dalka xoreeyeen ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Sikastaba madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay mudo dhowr bilood ah waxa uu fariisin ka dhigtay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaaliya ee Muqdisho si uu dib u habeyn ugu sameeyo Ciidanka,waxana xilligaas uu sameeyey  Shaqa ka fariisin iyo Magacaabis Saraakiisha dhexdooda ah.

Hoos Ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media