Dhageyso:-Rag dilalka qorsheysan u qaabilsanaa Al-shabaab oo lagu soo bandhigay Muqdisho + Sawirro

Magaalada Muqdisho gaar ahaan Saldhiga Booliska Degmada Wadajir ayaa waxaa lagu soo bandhigay Saddex rag ah oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab,isla markaana u qaabilsanaa dilalka qorsheysan ee laga fuliyo degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley.

Raggan ayaa inta aan la soo qaban qorsheenaayay dilka haweeyney kamid ah Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka,kana tirsan ganacsatada qaadka ku iibisa beera Jaadka,taasi oo heysata 7-caruur ah.

Sidoo kale Saddexdaan ragga ah ee ka tirsanaa Al-shabaab oo warbaahinta kula hadlay Saldhiga Degmada Wadajir ayaa sheegay in dilal kala duwan ay ka fuliyeen Xaafaddo ka tirsan ka tirsan Muqdisho gaar ahaan Suuqa weyn iyo agagaarka Isbitaal Madiina ee Gobolka Banaadir.

Maxamed C/laahi Maxamed “Tuulax” Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasadda ee maamulka Gobolka Banaadir ayaa laamaha amniga dowlada uga mahad celiyay sida wanaagsan ay gacanta ugu soo dhigeen ragii dilalka badan ka fuliyay degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley ee Gobolka Banaadir.

 

Hoos ka Dhageyso Codadka Ragga la soo bandhigay ee Al-shabaab u qaabilsanaa dilalka qorsheysan.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media