Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay wado qorsihii ugu dambeyey oo ay Ciidamada dowladdda kula wareegi lahaayeen amniga dalka.
Waxa uu sheegay in shirar arrintaasi looga hadlayay ay horay uga dahceyn Muqdisho iyo waliba dalka Biljamka,sidoo kalena Bisha June ee soo socota ay shirar kale dhici doonaan.
Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in qorshaha ay ciidamada AMISOM ku baneynayaan Xarumaha qaar uu bilaawday,isla markaana horay looga saaray Jaamacadda Gaheyr oo qeyb ka ah Jaamacadda Ummadda dhawaana ay ciidamada AMISOM ka bixi doonaan Garoonka Kubbada Cagta ee Stadium Muqdisho.
Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa hadalkaan sheegay xilli uu soo xiray shir looga hadlayay tayeynta Ciidamada Booliska Soomaaliya.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Amniga Soomaaliya.