Dilka ayaa dhacay gelinkii dambe ee Maanta waxaa Xeebta liido ee magalada Muqdisho lagu dilay Wiil Dhalinyaro ah oo ka mid ahaa Dhalinyarada Galabtii u damaashaad taga Xeebta Liido.
Dilka ayaa waxaa la sheegay in uu geystay Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya,sida uu Dalsan u sheegay qof ka mid ah dadka goobjoogayaasha aha xiligii uu dalka dhacayay.
Dilka ayaa yimid kadib markii mid ka mid ah Askar saarneyd Doon ku jirtay xeebta uu rasaas ku furay dhalinyaro Badda dhexdeeda ku dagaalamayay,taas oo sababtay in mid ka mid ah Dhalinyarada Badda u soo dabaaltago ay rasaas taas ku dhacdo.
Qof xiligaas Goobta ku sugnaa ayaa sheegay in Wiilkii dhalinyarada ahaa dhaawac ahaan loogu qaaday mid ka mid ah goobaha Caafimaad ee ku yaalla Muqdisho balse markii dambe uu u geeriyooday dhaawacii soo gaaray.
Ciidamo ka tirsan kuwa Ilaalada Badda oo Goobta ku sugnaa ayaa durbaba Gacanta ku dhigay Askarigii geystay falkaasi dilka ah,kuwaas oo xasbiga dhigay.
Maamulka degmada Cabdul Casiis ee gobolka Banaadir ayaanan weli ka hadlin dilka Wiilkaasi dhalinyarada ah.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Qof goobjooga ah.