Dhageyso:-Qodobo kasoo baxay Kulanka Guddiga joogtada ee Aqalka Sare+Sawirro

Guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare ee baarlamanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa kulan ku yeeshay xaruntooda magaaladda Muqdisho.

Guddiga ayaa war bixin ku aadan safaradii guddoomiyaha aqalka sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi ee Magaaladda Kismayo iyo dalka Turkiga oo looga hadlayay arrinta falastiin kulankaas oo ay ka soo qeyb galeen wufuud ka kala socotay ilaa 70 dal.

Kulanka maanta waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi, waxaana kulanka looga hadlay ansixinta hadal qoraalkii fadhigii 10aad ee guddiga joogtada ah, iyo , diyaarinta ajendaha kulanka 13aad ee golaha aqalka sare.

Kulanka markii uu dhammaaday ayaa waxa saxaafadda la hadlay Hab-dhowraha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdikaafi Macalin Xassan.

Hoos Ka Dhageyso Codka kana Daawo Sawirrada Kulanka.

:

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor