Dhageyso:-Qodobadii ka soo baxay Kulanka Baarlamaanka Soomaaliya (Warbixin)

Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho waxaa Maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Ajendaha kulanka Maanta ayaa ahaa Akhrinta Koowaad ee Hindise Sharciyeedka tirakoobka Qaranka waxaana Baarlamaanka hortegay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo xiriirka Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Marka hore Jamaal Maxamed Xuseen Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo xiriirka Caalamiga ayaa xildhibaanada ka hor akhriyay hindise Sharciyeedka tirakoobka Qaranka waxana uuna sheegay in  sharcigaan uu awood u leeyahay soo aruurinta keydinta falaqeynta iyo  daabacaada macluumaadka xogta dhaqaalaha Bulshada iyo tirakoobka dadka Wadanka ku nool.

Dhanka kale Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa aragtiyo kala duwan  dhiibtay Sharciga tirakoobka Qaranka.

Sikastaba Baarlamaanka Soomaaliya ayaa weli waxaa horyaalla Sharciyo dhowr ah kuwaas oo u baahan kadib doodis in la meel mariyo halka ay kuwo kale horay u meel mariyeen oo uu ugu weeynaa Sharciga Isgaarsiinta dalka.

Qoraa Cabduqaadir Jakaarta

Hoos Ka Dhageyso Warbixinta kulanka Baarlamaanka iyo Wariye Farxiyo Muraad.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media