Xaashi Cumar Xasan oo ah Muwaadin Soomaaliyed oo mudo Sanado badan danbi la’aan ugu xirnaa xabsi ku yaala dalka Talyaaniga ayaa maalma kahor waxa ay Maxkamada Talyaaniga u xukuntay in magdhaw ahaan loosiiyo lacag dhan 3 Milyan oo Euro,waxana taasi gebi ahaanba iska diiday Looyarada ama dadka u doodaya xaashi in lacagtaas uu qaato.
Muuse Xabad Tafad oo ka mid ah Looyarada Xaashi oo Maanta nagu soo booqday Radio Dalsan Xarunta Muqdisho ayaa sharaxaya sababta ay lacagtaasi u diideen iyo qorshaha xiga maadaama haatan uu yahay qof dhibane ah,isla markaana waqti ku dhow 20 Sano uu Xabsi ku jiray.
“Runtii lacagtaas ma aqbaleyno waayo ninkaas mudo labaatan Sano ku dhow ayuu xirnaa mana ahan mid u dhiganto waxan rajeyneynaa in aan abiil ka qaadano,runtii xataa hadii ay dhahaan 20 Milyna halasiiyo uma dhiganto dhibkii loo geysto waayo waa laga been abuurtay ayuu yiri Qareen Muuse Xabad Tafadâ€
Dhibane Xaashi ayaa haatan waxa uu ku sugan yahay Gudaha dalka Talyaaniga,isaga oo ka soo laabtay dalka Holand,waxaana Muuse Xabad Tafad uu markale sheegayaa maadaama ay diideen lacagtaas waxa la gudboon si Dhibane Xaashi Cumar uu xaquuqdiisa u helo.
Dhibane Xaashi Cumar Xasan ayaa Rome loogu xiray in uu Muqdisho ku dilay Gabar Wariye ah oo lagu Magacaabi jiray Ilaria Alpi iyo Kaamiriiste Milan sanadkii 1994-tii,waxana mudo 17 Sano kadib xasbiga laga siidaayey isaga oo loo xukmiyey lacag Magdhaw ah oo gaareysa 3 Milyan oo Euro laakin ay diideen looyaradii u doodayay
Hoos Ka Dhageyso Codka Qareen Muuse Xabad Tafad.