Dhageyso:-Qaabkii uu u dhacay dilka Ninkii tima jaraha ahaa ee Isgoyska Sanca

Nin  hubeesnaa ayaa Maanta Isgoyska Sanca ee degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir gaar ahaan Sarta dheer waxa uu ku dilay Nin Timo jare ahaa kaas oo magaciisa lagu sheegay Xuseen Xasan Maxamuud.

Ninka la dilay ayaa loogu  tagay goobtiisa Shaqo,iyadoo intaas kadib la toogtay,sida ay Radio Dalsan u sheegeen dad Goobjoogayaal ahaa.

Macada sababta  Ninkaasi loo dilay balse dilka ka hor ayaa la sheegay in Ninkaasi ay wada murmeen mudo daqiiqado ah taas oo keentay in markii dambe Ninkii timo jara ahaa la dilo.

Qof ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Dalsan ayaa faah faahin ka bixinaya qaabka uu u dhacay dilka loo geestay Ninkii ka Shaqeynayay goobta Tima jaraha ah.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media