Xili magaalada Garoowe ee gobalka Nugaal shalay lagu soo gabagebeeyay shirkii golayaasha sharco dejinta ayaa waxaa isi soo taraya doodad ku aadan sababaha gudoonka baarlamaanka ee maamulka Galmudug aaney uga qeybgelin shirkaas.
Gudoomiyaha golaha wakiilada maamulka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed ayaa sheegay in aysan jirin cid Puntland ay ay ka reebtay ka qeybgalka shirka golayaasha shaci dejinta,waxaana uu been abuur ku tilmaamay in isagu uu Galmudug ka reebay kulankaas gudoomiyaasha baarlamaanka dowladda dhexe iyo kuwa maamul-gobaleedyada.
Cabdixakiin Maxamed Axmed Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in kala qeybsanaanta ka jirta Galmudug ay sabab u noqotay in ay shirka ka qeybgeli waayaan maamulka Galmudug,isaga oo cadeeyay in aysan jirin dagaal kala dhaxeeya gudoonka baarlamaanka ee maamulkaas.
Dhinaca kalana gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir oo wareysi siiyay idacada Dalsan ayaa sheegay in gudoomiyaha golaha wakiilada ee Puntland uu shirka ka reebay,waxaana uu tilmaamay in uusan aqoonsan doonin wixii ka soobaxa shirkaas.
Halkaan Ka Dhageyso Codka