Dhageyso:-Puntland oo qabatay Badeeco dhacday+Sawirro

Taliska Qeybta Booliska gobolka Nugaal ayaa maanta magaalada Garoowe ku soo bandhigay Badeeco Dhacday,taasoo lagu soo qariyay gaari xamuul ah oo ka yimid Dhinaca magaalada Boosaaso.

Goobta lagu soo bandhigay gaariga siday timirta dhacday ayaa waxaa goob joog ahaa Agaasimaha waaxda Tayo-dhowrka Puntland,Salaad Aadan Maxamuud,Duqa Magaalada Garoowe ,Xassan Maxamed Ciise Goodir,guddoomiye ku xigeenka gobolka Nugaal, Cali Salaad Diiriye Faarax iyo guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Fara-weyne.

Taliska Qeybta gobolka Nugaal,Gashaanle sare Faarax Cabdiraxmaan Warsame(Galangoolli) oo soo qabtay timirtaan dhacday ayaa ballan qaaday in ay Waaxda Tayo-dhowrka Puntland kala shaqeyn doonaan sidii dadka reer Puntland looga ilaalin lahaa badeecooyinka dhacay ee dalka la soo gelinayo.

G/sare Galangoolli ayaa sidoo kale sheegay in ay xalay ciidanka Booliisku ay magaalada Garoowe ku soo qabteen dad looga shakisanyahay in ay Al-shabaab ka tirsan yihiin oo lagu soo dhex qariyay gaari xamuul ah oo xoolo siday,kaasoo ka yimid Koonfurta Soomaaliya.

Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha Qeybta Booliska gobolka Nugaal kana Daawo Sawirrada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media