HomeMaqalDhageyso:-Ninkii Ajnabiga ee lagu qabtay Garoonka Muqdisho oo wata laba baasaboor &...

Dhageyso:-Ninkii Ajnabiga ee lagu qabtay Garoonka Muqdisho oo wata laba baasaboor & Xukuumadda oo faah faahisay

Date:

Related stories

5 Waxyaabood Oo Raggu Si Qarsoodi Ah Uga Filayaan Xaasaskooda

Xiriirka guurka waxaa xoojiya waxyaabo yaryar oo mararka qaar aan si toos ah loo sheegin. Halkan ka ogow 5 arrimood oo rag badan ay jecel yihiin inay ka helaan xaasaskooda.

Doon Qorrax Ku Shaqaysa Oo 3,106 Mayl Safartay

Safare Finnish ah ayaa dhammeystay safar badeed oo 3,106 mayl ah, isagoo adeegsanaya doon uu isagu dhisay oo ku shaqaysa tamarta qorraxda oo keliya, iyadoo aan loo adeegsan shidaal dhaqameed.

Ninkaan oo u dhashay dalka Ingiriiska ayaa Ciidamada Ammaanka Sabtidii lasoo dhaafay oo Taariikhdu ku beegneyd 19-kii Bishaan waxay ay ka qabteen garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho,iyada oo la geeyay Xarunta  Dambi baarista ee C.I.D.. Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa shalay amrtay in xabsiga dhexe lagu sii haayo Antony Thomas,kaas oo xilligii garoonka lagu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ninkaan oo u dhashay dalka Ingiriiska ayaa Ciidamada Ammaanka Sabtidii lasoo dhaafay oo Taariikhdu ku beegneyd 19-kii Bishaan waxay ay ka qabteen garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho,iyada oo la geeyay Xarunta  Dambi baarista ee C.I.D..

Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa shalay amrtay in xabsiga dhexe lagu sii haayo Antony Thomas,kaas oo xilligii garoonka lagu qabanayay watay qalabka loo isticmaalo suntan dadka ka ilmeeysiisa,isla markaana uu laamaha amniga ka qariyay sida ay sheegtay Maxkamada Gobolka Banaadir.

- Advertisement -

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in Ninkaan markii baaritaan lagu sameeyay la ogaaday inuu wato lab baasaboor oo kala ah wadamada Ingiriiska iyo faransiiska ,isla markaana lagu qabtay meesha ugu horeysa ee laga gala garoonka.

Wasiir Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa sheegay in Ninkaas uusan aheyn mid dambiyo kasoo galay dalal kale iyo in uu geysan rabay fal la xiriiro amnidarro ama qarax,hayeeshee baaritaano uu ku socdo,isla markaana laamaha amniga ay u deynayaan.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Xukuumadda Soomaaliya.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts