Dhageyso:-Nin la la’aa mudo ku dhow bil oo laga helay isaga oo Jeebeysan guriga Gudoomiyaha degmada Afgooye

Aabaha dhalay ninkaas oo la soo xiriiray Idaacadda Dalsan ee Magalada Muqdisho ayaa sheegay in wiilkiisa uu nolol iyo geeri ku la’aa mudo 15 Maalin ah,balse Maanta ugu dambeyn uu helay.

Aabo Saleemaan Xaamud Xiireey ayaa sheegay in Wiilkiisa dhowr jeer uu ku raadiyey in uu ku xiran yahay Saldhiga Afgooye balse uu ka waayey,isla markaana mudo 15 Maalin ah kadib uu ka helay isaga oo nool oo jeebeysan Guriga guddoomiyaha degmada Afgooye.

In kastoo uusan Aabe Saleemaan cadeyn waxa lagu heysaty wiilkiisa ayaa hadana warar aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in ay xireen ciidamada Nabadsugida Afgooye,isla markaana loo heystay weerar dhawaan ka dhacay Saldhiga Afgooye.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor