Dhageyso:- Muxuu Madaxweynaha Soomaaliya kala hadlay Bulshada M/Kismaayo

Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada hoose waxa uu kulan kula qaatay bulsahda qeybaheeda kala duwan ee Magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha oo uu wehliyo Madaxweynaha maamulka jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe)ayaa waxa uu Bulshada ka xog Warestay xaalada Magaalada kismaayo iyo baahiyaha ay qabaan,waxa uuna sidoo kale mudo daqiiqada ah kula shaaheeyay Bartamaha magaalada kismaayo.

Madaxweyne Farmaajo,ayaa Bulsahda Kismaayo kula dardaarmay in ay amniga kala Shaqeeyaan Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland si iyana ay u Nabadgalaan.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madobe) ayaa Madaxweynaha Soomaaliya u sheegay in Ciidamadu tan iyo Sanadoo 2015,tii aysan qaadan wax mushaar ah taasina aysan aheyn wax suurtagal ah.

Hoos Ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media