Dhageyso:-Musharixiinta Puntland oo Digniin la xiriirta doorashada u jeediyay Madaxweyne Gaas

Inta badan musharixiinta Madaxweynaha Maamulka Puntland oo maanta ku shiray Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa ay Eedeyn u jeediyeen Xukuumadda Madaxweyne Gaas.

Kadib kulankooda ayaa War-saxaafadeed ay soo saareen waxa ay walaac ka muujiyeen xaalada Amni ee Magalada Garoowe iyo sida ay u maamuleyso doorashada.

Waxa ay soo saareen Saddex qodob oo kale ah.

1: In doorashada Puntland aysan dhicin cid faragelisa loona daayo reer Puntland in si xor ah ay u doortaan hoggaankii ay rabaan.

2: Inay Puntland ka dhacdo doorasho xor ah oo keenta isbedel natiijada kasoo baxdo lagu wada qanco,isla markaana Xukuumadda Waqtigeeda dhamaaday aysan doorashada marin habaabin.

3:- In xilliga doorashada loo daayo amniga Ciidamada Booliska iyo Daraawiishta Puntland.

Musharixiinta War-Saxaafadeedka soo saaray ayaa gaarayay 12 Musharax.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor