Dhageyso:-Mid kamid ah Duubabka Dhaqanka Beesha Mudulood oo qaadacay Go’aamadii ka soo baxay Kulan ay la yeesheen Madaxweyne Farmaajo

Wabar Socdaal Raage Wabar Cil-faaf oo kamid ah Duubabka Dhaqanka Beesha Mudulood kana mid ahaa xubno Maanta kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qaadacay Go’aamadii ka soo baxay kulankaas.

Kulanka gaarka ah ayaa Madaxweyne Farmaajo waxa uu isugu yeeray Duubabka Dhaqanka Beesha Mudulood iyo xubnaha Siyaasayada ku matala beeshaas,waxaana looga hadlay Xaalada siyaasada dalka ee haatan uu marayo gaar ahaa Magaalada Muqdisho.

Waxaa uu sheega Wabar Socdaal Raage oo wareysi dheer siiyay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho in kulankaas Ujeedkii laga lahaa la marin habaabiyay,isla markaana uu isku bedelay taageero Madaxweyne,kadib markii uu isaga ku dhiiraday inuu ka dhawaajiyo dhibka Shacabka Muqdisho ay kala kulaan Ciidamada dowladda,isagoona Colaadin kala kulmay xubnihii ka qeyb galay kulankaas.

 

Hoos ka Dhageyso Codka.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media