Dhageyso:-Mid ka mid ah guddigii uu Magacaabay Madaxweye ku xigeenka Puntland oo is casilay

Axmed Aadan Carab oo kamid ah Guddiga Khilaafka Baarlamaanka Puntland ee uu magacaabay Madaxwayne Ku-xigeenka Puntland  Cabdixakiim Xaaji Cumar Camey ayaa ku dhawaaqay in uu xubinimadii uu iska casilay.

Waxa uu sheegay in uu maqlay isaga oo ku sugan Gurigiisa in lagu daray xubnaha guddiga xalinta khilaafaadka Puntland,isla markaana aan wax wadatashi ah lagala yeelan.

Isaga shir Jaraa’id ku qabtay Magalada Garoowe ayuu sheegay in Guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka Golaha Wakiilada Puntland uu Magacaabistooda xaq u leeyahay Madaxweynaha Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas.

Waxa uu sheegay in isagu uusan aqbaleyn wax ka hor-imaanaya Dastuurka Puntland,isla markaana uu ka soo horjeedo in uu ku dhaqaaqo waxyaabo horseedaya khilaafka Madxda Dowlad Goboleedka Puntland.

Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Axmed Aadan Carab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor