Dhageyso:-Mid ka mid ah Golaha Wasiirada Soomaaliya oo is casilay

Wasiirka Howlaha guud iyo Guriyeynta  ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdi fitaax Ibraahim Geeseey ayaa Goordhow ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkaas.

Shir Jaraa’id uu ku qabtay Magalada Muqdisho ayaa waxa uu ku sheegay in dowladda uu ka tirsan yahay aysan jirin meel lagu go’aamiyay in la farageliypo Maamulada dalka ka jira gaar ahaan Maamulka Koonfur Galbeed.

In aysan jirin meel lagu go’aamiyay in doorashada laga reebo lana soo xiro Muwaadin Koonfur Galbeed u dhashay oo ah Muqtaar Roobow.

In dowladda Federaalka Soomaaliya ay diiday inay wadatasho arrimahaas kala tashato Mas’uuliyiinta,xildhibaanada iyo wasiirada Aayaha iyo Danaha dadka Reer Koonfur Galbeed lana hareer maray Dastuurka dalka.

Ugu dambeyn Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed ayuu ugu baaqay inay ka Shaqeeyaan Nabada,isla markaana adkeeyaan,waxaana Cabdi Fitaax Geeseey uu ka mid yahay Xildhibaanada Golaha Shacbaka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor