Dhageyso:-MD Jabuuti “Sharaf ayay ii tahay in aan khudbad u jeediyo labada Aqal ee Baarlamaanka oo aan kal-fadhigoodu furnayn”

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo Booqasho ku jooga Magaalada Muqdisho ayaa Maanta Khudbad u jeediyay Xildhibaanada labada Golle ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Geelle ayaa sheegay in uu aad uga faraxsan yahay in uu Khudbad u jeediyo Baarlamaanka Soomaaliya,iyadoo uusan furneyn Kal-fadhiga Baarlamaanka,isagoona ka hadlay arrimo kala duwan.

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxa uu tilmaamay in Amaanada ugu weyn ee Baarlamaanka saaran ay tahay in midnimada la ilaaliyo oo aan la niyad-jabin Shacabka,isla markaana loo baahan yahay in laga wada shaqeyo Midnimada dowladda.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha waxa uu baaq u diray Madaxda dowlada iyo Shacabka Soomaaliyeed,isagoona ugu baaqay in ay sameeyaan isku tanaasul,taasi oo ku sheegay in ay tahay mid hormar wacan lagu gaari karo.

Gelinka dambe ee Maanta ayaa la filayaa in Madaxweyne Geelle iyo wafdi uu hogaaminayo ay u ambabaxaan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan,waxaana halkaasi ka socda diyaar garow ku aadan sidii loo soo dhaweeyn lahaa.

Hoos ka Dhageyso Codka Madaxweynaha dalka Jabuuti.

 

 

 

 

 

 

 

   

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media