Dhageyso:-MD Farmaajo”Ciidamada xoogga dalka ha u diyaar garoobaan dagaalka Al-Shabaab”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay leedahay ciidamo u diyaarsan in ay dalka ka xoreeyaan cid kasta oo cadaw ku ah Soomaaliya.

Waxa uu ku amaanay ciidamada xoogga dalka soomaaliya in ay kaalin weyn ka qaataan sugida amniga dalka,iyaga oo weli ay heystaan duruufo adag.

Waxa uu ugu baaqay ciidamada meel kasta oo ay dalka ka joogaan in ay u diyaar garoobaan howlgallo qorsheysan oo lagu doonayo in lagula wareego deegaanada ka maqan Gacanta dowladda.

Hadalkaan ayaa madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay xilli uu boqolaal askari kula hadlayey Dugsiga tababarka Janeraal golden oo ay ku jiraan Guutada loogu magic daray 14-ka Octoober.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Farmaajo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor