Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa soo gaba-gabeysay dhageysiga eed ka dhan ah Dable Booliis Cali Maxamuud Axmed,kaasi oo Magaalada Muqdisho si bareer ah ugu dilay Darawal Mooto Bajaajle ahaa.
Dilkan ayaa waxaa uu 8-ii bishaan ka dhacay Isgoyska Tarabuunka ee Magaalada Muqdisho,isla markaana Dable Booliis Cali Maxamuud waxaa uu u geystay Wada Bajaaj oo lagu magacaabi jiray Allaha u Naxariistee Cabdirisaaq Yuusuf Guure.
Sidoo kale Askariga Booliska ayaa dhaawac u geystay dhibane Cali Xaashi Mataan,kaasi oo xiliga oo la dilayay Marxuum Cabdirisaaq Yuusuf ku sugnaa Tarabuunka,isagoona ahaa Sarif le.
Inta lagu guda jiray Fadhiga Maxkamadda ayaa xeer ilaalinta waxaa ay codsatay in xukun Dil Toogasho ah lagu xukumo eedeysanaha,taasi oo ah qisaastii uu galay.
Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa soo xiray Fadhiga Maxkamadda oo saacado badan qaatay,isla markaana ku dhawaaqay in Kiiska Dable Booliis Cali Maxamuud Axmed, Maxkmadda dhawaan Go’aan ay ka soo saari doonto.
Hoos ka Dhageyso Codka G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute.