Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa  markale Xukun dil ah ku riday Ex, G/sare Cabdinaasir Xoosh Maxammed oo horay dil ugu soo xukuntay Maxkamadda D,1aad Ee Ciidamada Qalabka Sida.
Ex, G/sare Cabdinaasir Xoosh Maxamed ayaa 18-kii bishii Janaayo ee sanadkan gudaha Dekadda Muqdisho ku dhax dilay Taliye kuxgeenkii ciidanka badda Soomaaliya Generaal Siciid Mariino kadib markii ay murmeen.
20-Bishii February ayaa Maxkamada Ciidamada Qalabka sida waxa ay ku riday Ex, G/sare Cabdinaasir xukun dil toogasho ah,balse uu racfaanka qaatay,balse ugu damebyn Maanta markale xukun dil toogasho ah lagu xukumay.
Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida S/guuto Liibaan Cali Yarow ayaa Warbaahinta u Akhriyey Xukunka dilka ah ee lagu riday Ex, G/sare Cabdinaasir Xoosh Maxamed .
Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida.