Tan iyo bur-burkii dowladii dhexe waxaa markii ugu horeysay Wasaarada Owqaafta iyo arimaha diinta lasoo waregtay mas’uuliyada maareynta Howlaha Xajka iyo Cimrada,kadib dadaal ay Dowlada u gashay qorshahaasi.
Wasaarada ayaana hadda ku howlan hanaan cusub oo lagu tartansiinayo Shirkadaha Diyaarada ee Arimaha Xamlada Xajka iyo Cimrada ka shaqeeya,hanaakaas ayaana lagu kala xulanayaa Shirkadaha ka shaqeenaya Arimaha Xamlada Xajka iyo Cimrada.
Talaabada Wasaarada Owqaafta iyo Arimaha Diinta ay kula soo wareegtay mas’uuliyada howlaha Xajka iyo Cimrada oo markii hore arimahaa gacanta ku hayeen Shirkado gaar ah.
Xassan Khaliif Xassan oo kamid ah lataliyaasha Wasaarada Owqaafta iyo arimaha Diinta ee Xiriirika Dowlaha Islaamka,kuna howlanaa qorshaha ay wasaaradu kula soo wareegtay mareynta howlaha Xadka iyo Cimrada ayaa Radio Dalsan u sheegay in Mas’uuliyiin katirsan Wasaaradaasi loogu hanjabay dil hadii aysan wasaaradu joojin qorsha arimha ay kula soo wareegtay Mas’uuliyada howlaha Xajka iyo Cimrada.
Dalsan oo weydiisay cida ay fariimaha ka heleen,ayuu Xassan Khaliif waxa uu ka gaabsaday in uu cadeeyo shaqsiyaadka fariimaha handadaada ay ka heleen,balse waxa uu cadeeyay in aysan aheyn Dowlada kale,balse ay yihiin dadka Somali ah.
Hoos Ka Dhageyso Codka kamid ah lataliyaasha Wasaarada Owqaafta iyo arimaha Diinta ee Xiriirika Dowlaha Islaamka.