Dhageyso:-Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif oo ka hadlay dilalkii ka dhacay Muqdisho

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd oo ku sugan Magalada Nairobi ee dalka kenya ayaa waxa uu ka hadlay dilalkii ugu dambeeyey ee ka dhacay muqdisho.

Waxa uu sheegay in dilalkii ugu dambeeyey ee ka dhacay Magalada Muqdisho gaar ahaan dilkii Axmed dowlo oo la dilay kadibna la gubay inuu ahaa mid aad u naxdin leh.

isaga oo sii hadlayey ayuu sheegay in xilligaan ay tahay wax aan la aqbali karin in arrimo heybsooc dadka Soomaaliyeed isku-dilaan,waxana uu dalbaday in arrintaas meel looga soo wada jeesto si looga hortago.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa weli waxa ay si aad ah u hadal hayaan dilkii Axmed Dowlo oo 20kii Bishaan si arxandaro ah loogu dilay arrimo heybsooc Xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid.

Hoos Ka Dhageyso Codka Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor