Dhageyso:-Madaxweyne Xaaf oo sheegay in Gurigiisa Muqdisho uusan tegin hal sanno

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa waxaa uu sheegay in uu culeys badan Galmudug ka heysto dhanka dowladda Federaalka Soomaaliya,kadib markii xalay uu kulan la qaatay dhalinyaro dalxiis baryahan dambe ku joogay Dhuusamareeb.

Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa uu sheegay in Gurigiisa oo ku yaalla Magaalada Muqdisho uusan tegi muddo ku dhow hal sanno,isla markaana waxaa uu tilmaamay in Magaalada Cadaado uu diyaarad ku dulmaro,waxaana sababta uu ku sheegay inay tahay Culeyso badan oo jira

Isaga oo sii hadlaayay ayuu sheegay Madaxweynaha Galmudug in dowladda Federaalka mashaariic badan ay ka dhagax dhigtay deegaanada Galmudug,isla markaana aysan dib u fulin balan qaadyadii hore ,wuxuuna Carabka ku adkeeyay inay Galmudug isku tashan doonto.

Sikastaba Madaxweynaha Galmudug ayaa hore u shaaciyay in Galmudug ay xiriirka u jartay dowladda Federaalka Soomaaliya,waxaana Madaxda sare ee mamulkaas ka dhex jira Khilaaf aad u xoogan.

Hoos ka Dhageyso Codka Madaxweyne Xaaf.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media