Dhageyso:-Madaxweyne Xaaf oo sheegay in Galmudug faragelin ku heyso dowladda Soomaaliya

Axmed Geele Ducaale Xaaf Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug oo Warbaahinta kula hadlayey Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmuug ayaa hadalkaas sheegay,isaga oo eedeyn u jeedinayey dowladda Soomaaliya.

Madaxweyen Xaaf ayaa sheegay in Maamulka Galmudug uu yahay mid mid ah,bale Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya uu u sheegay in uu kala hadlayo khilaafka yar yare ee soo kala dhexgalay balse uu ku soo laaban waayay sidaasna ay xamar uga soo tageen.

“Runtii Galmudug weli waa sideedii oo wax dhibaato ah kama dhex jiraan laakin hadalka Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya uu yiri waa mid faragelin toos ah ee haka daayo,horay ayaa dowladda looga dalbaday in maamul goboleedayda ay ka deyso faragelinta ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.

Ugu dambeyn waxa uu ugu baaqay Madaxweyne kuxigeenka iyo guddoomiye  abarlamaanka  Galmudug ee Cadaado ku sugan in ay soo dhaweeynayaan,isla markaana ay ka xalinayaan waxwalba oo ay ka tabanayaan.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Maamulka Galmudug.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media