Dhageyso:-Madaxweyne Xaaf oo ku laabtay Gaalkacyo weerar Afka ahna ku qaaday Dowladda dhexe + Sawirro

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf oo maalmahan dambe safar shaqo ku joogay dalka Keynya ayaa Maanta gaaray Magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha oo safarkiisa ka warbixiyay ayaa waxa u sheegay in uu Keynya kula soo kulmay Hay’addaha deeq-bixiyaasha ah ayna u balan qaadan in hada kadib Galmudug xaquuqda ay leedahay heli doonto ayna kala shaqeyn doonaan hormarka iyo dhismaha Galmudug.

Waxa uu Madaxweynuhu sheegay in Dowlada Federaalka ah balamihii ay galeen waxba ka suuragali waayeen waxa uu intaasi ku daray in wada-hadalkii ugu dambeeyay ee Madaxweyne Farmaajo ku dhexmaray Garoowe aaney weli fulin.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa dadka reer Galmudug ugu baaqay in ay isku tashtaan oo ay deegaankooda iyagu hormarsadaan waxaa uuna intaa ku daray in ay dhawaan imaan doono Hay’addihii dhisi lahaa degmooyinka

Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in dowlada Federaalka ay dagaal kula jirto Galmudug,isla markaana ay isku dayeeyso in ay Ciidamada 21aad iyo NISA u adeegsato Caburin iyo in ay u isticmaalan si qaldan taasina ay ka hortagi doonaan oo aysan marnaba suuraabi doonin ay wiilashooda loo adeegsado.

Hoos ka Dhageyso Codka Madaxweyne Xaaf.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media