Dhageyso:-Madaxweyne Xaaf “Dib u heshiisiinta Galmudug ee la sameeyay hore haloo sii dawo”

Madaxweynaha waqtiggisu dhammaaday ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ka qeyb galay Xaflada soo xiritaanka shirka dib u hishiisiinta Galmudug,isagoo halkaas ka jeediyay Khubad.

Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in sanadkii 2015 xiligii la dhisayay Galmudug waqti badan uu qaatay sidii la isugu keeni lahaa Ahlusunna,Ximan iyo Xeeb iyo Galmudug,hayeeshee markii dib la isku keenay,isagoona xusay  inay ay iska  jireen Caqabado yar yar.

Sidoo kale Madaxweyne Xaaf ayaa tilmaamay in dib u hehsiisiin markii la sameeyo loo baahan yahay in lagu dhaqmo,hadii qalab uu yimaado laga tago si aysan meesha uga bixin dib u heshiisiinta.

Isaga oo sii hadlaayay Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayuu Dowlada federaalka ah uga mahadceliyay howsha ay qabteen isagaoo ku baaqay in aan dib u hishiisiinta halkan lagu ekeen oo loo baahanyahay in la sii wado

Waxa uu hadalkiisa ku daray in wixii hada ka dambeeyay habka doorasho ee Galmudug loo dhisayo iyo gudiyada farsamada uu maamulka Galmudug qeyb ka ahaanayo oo aysan wasaarada arimaha gudaha kaliya howsha aysan wadi doonin

Hoos ka Dhageyso Codka Madaxweyne Xaaf.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media