Dhageyso:-Madaxweyne Waare” In koox yar is moodo in ay dadka ka caqli badan tahay waxaan ku waayaynaa dawladnimada”

Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare oo khudbad ka jeediyay ayaa marka hore soo qaatay hadalo ah xasuusin oo ku saabsan  Soomaaliya sida ay ahaan jirtay iyo sida ay hadda tahay.

Waxa uu sheegay in dalka Soomaaliya ay soo mareen qolo yar oo aaminsanaa in dadka ay ka caqli badan yihiin ka talo wanaagsan yihiin laakin taasi ay sababtay dowlad la’aan nagu dhacday.

”In koox yar is moodo in ay dadka ka caqli badan tahay, ka wadaniyeysan tahay, kana talo wanaagsan tahay, waxaana ku waayaynaa dawladnimada, Qowmiyada Soomaali-nimada lawaayo, Khatarta na dul-taagan waa halis weyn, Waa in badbaado deg deg ah la helaa ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Madaxdii kale ee Dowlad Goboleedyada ee shirka ka hadashay ayaa iyana waxa ay dhaliil u jeediyeen Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Maamulak hir-Shabeelle.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor