HomeMaqalDhageyso:-Madaxweyne Lafta-gareen oo ka hadlay qaraxii ka dhacay Bardaale

Dhageyso:-Madaxweyne Lafta-gareen oo ka hadlay qaraxii ka dhacay Bardaale

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa waxaa uu ka hadlay qarax Khasaaro geystay oo shalay ka dhacay Degmada Bardaale ee Gobolka Baay. Madaxweyne Lafta-gareen ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay qaraxaas oo ahaa nooca Miinada dhulka lagu aaso,isla markaana lala eegtay Gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen Ciidamo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa waxaa uu ka hadlay qarax Khasaaro geystay oo shalay ka dhacay Degmada Bardaale ee Gobolka Baay.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay qaraxaas oo ahaa nooca Miinada dhulka lagu aaso,isla markaana lala eegtay Gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed xili ay marayeen gudaha degmada Bardaale.

- Advertisement -

Sidoo kale waxa uu sheegay Madaxweynaha Koonfur Galbeed in qaraxa uu ku geeriyooday Sarkaal ka tirsanaa Golaha deegaanka,kaasi oo lagu magacaabi jiray Falar Liibaan Nuurow,waxaana uu tacsi u diray  qoyskii iyo qaraabadii uu ka dhintay,isagoona Alle uga baryay in uu Janada ka waraabiyo iyo dadkii kale ee halkaasi ku geeriyooday.

Dhinaca kale qaraxii shalay ka dhacay Degmada Bardaale ayaa waxaa ku dhaawacmay Sarkaal  sare oo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo lagu magacaabo Cabdullaahi Sheekh Maxamed Sh Mukhtaar,isagoona haatan lagu dabiibayo xaaladiisa Caafimaad Isbitaalka weyn ee Magaalada Baydhabo.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Shacabka KG ugu baaqay inay la shaqeyaan laamaha amniga si looga hor tego falalka amnidarro ee mararka qaar dhaca.

- Advertisement -

 

Hoos ka Dhageyso Codka Madaxweyne Lafta-gareen.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts