Magalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle waxaa Gelinkii dambe ee maanta dib ugu laabtey Madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Cusmaan Barre Maxamed oo safar mudo uga maqnaa Magaalada.
Wafdiga Madaxweyne ku xigeenka waxaa Jowhar kusoo dhaweeyey Guddoomiye ku xigeenada 1aad iyo 2aad ee Baarlamaanka Hir-Shabele Cabdi Xuseen Geedi iyo Marwo Canab Axmed,Wasiiro iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Soo dhaweyn kadib Madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle oo shir Jaraa’id Warbaahinta u qabtay ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyey safarkii ay ku joogeen Muqdisho iyo waxyaabihii ka soo baxay kulamadii ay la qaateen madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya.
“Intii aan ku sugneyn Muqdisho aniga iyo wafdigeyga waxaan al kulanay Madaxda Dowladda federaalka oo aan ka wada hadalnay sidii amniga Hirshabelle wax looga qaban lahaa,runtii meel wanaagsan ayayna noo marayaan,waxana dhawaan rajeynayaa in uu bilaawdo qorshaha dar dargelinta howlaha Amniga yuu yiri Cali Guudlaawe Xuseen.
Guddoomiyaha Baarlamaanka hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed oo safarka ku wehlinayey ayaa isna waxa uu sheegay in Maalinat berito ah oo khamiis ah uu furmi doono kal-fadhiga 4aad ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle,isla markaana ay ka qeyb geli doonaan Madax ka socota dowladda Federaalka Soomaaliya.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle.