Dhageyso:-Madaxweyne Gaas”Puntland waa maamul isku filan oo aan cidna u baahneyn”

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Maamulka Puntland waqtigaan uusancidna u baahneyn,isla markaana uu yahay Maamul isku filan dhinac walba oo gaari kara guulo waaweyn.

Gaas,ayaa sheegay in cid allaala ee haatan u hanqal taageysa in meelo kale ay aado ay fasaxayaan laakin Puntland waqtigaan ay isku filan tahay.

Shacabka Puntland ayuu ugu baaqay in ay ilaashadaan midnimadooda,waxa uuna sheegay in Maamulkooda ay taageeraan,isla markaana uu yahay mid wax badan u qaban kara.

Hadalalka Madaxweynaha Puntland ayaa ku soo aadaya xilli Madaxweyne Gaas uu taageeray dowladda Imaaraadka Carabta oo khilaaf weyn kala dhaxeeyo dowladda,isaga oo horay u sheegay in aysan jirin cid ay ku doorsanayaan Imaaraadka.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Maamulka Puntland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media