Dhageyso:-Madaxweyne Farmaajo,oo booqan doona Xarumaha Maamul goboleedyada

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi(Farmaajo) oo weli ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay qorshooyinka kale ee u degsan Maalmaha soo socda si uu u dardar geliyo xiriirka dowladda kala dhaxeeyo Maamul Goboleedyada

Mudane Farmaajo,ayaa sheegay in Safarka uu hada ku joogo Kismaayo uu hordhac u yahay Safaro kale uu maalmaha na soo aadan uu ku tegi doono deegaanada Maamul Goboleedyada Galmudug,Puntland Koonfur Galbeed iyo Hir-Shabeelle.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo,ayaa soo hadal qaaday in Boqolki Maalmood e la soo dhaafay ay wax badan qabteen islamarkaana ay Bilaha iyo Sanadaha soo socda qaban doonaan wax Shacabka tusa ififaalo Nabadeed sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne Farmaajo,ayaa mudo laba cesho ah ku sugan Magaalada Kismaayo isagoo kulamo la qaatay Madaxda Maamulka Jubbaland iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media