Dhageyso:-Madaxweyne Farmaajo oo si kulul uga hadlay Banaanbixii Maanta ka dhacay Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu si kulul uga hadlay Banaanbixii Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho,kaasi oo ay dhigeen dad u bdanaa dhalinyarada kaxeeysa Mooto Bajaajta.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay in gudaha Magaalada ay ka dhaceyn wax aan fiicneyn,isla markaana laga gudbay mana la Aqbali doono in Banaanbax rabshado wata uu ka dhaco gudaha Muqdisho laguna burburiyay hanti ay leeyihiin Shacab Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa uu sheegay Madaxweynaha in dowladda haatan jirta ay Cagta saartay wadadii guusha,wuxuu sheegay in Askari loo tababaray badbaadinta shacabka hadii uu dilo qof Shacab ah tallaabo adeg laga qaadi doono.

Waxaa kaloo uu  digniin culus u diray dadkii Maanta banaanbaxa ka dhigay Muqdisho ,kuwaasi oo uu ku sheegay inay yihiin kuwo aan rabin in Soomaaliya ay nabad ka dhalato.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga tacsiyadeeyay qoysaskii  ay ka baxeen labadii ruux ee saakay Askari ka tirsan Ciidanka Booliska ku dilay Isgoyska Howlwadaag ee Gobolka Banaadir,kuwaasi oo kala ahaa Darawal Mooto Bajaaj iyo Wiil dhalinyaro ah oo la socday.

Hadalkaan ayaa waxa uu sheegay Madaxweyne Farmaajo kulan soo dhaweeyn ah oo gelinkii dambe ee galabta Shacabka Degmada Warta-Nabada ugu sameeyeen Xarunta degmadaas,waxaana ka qeyb galay Madax ka tirsan dowladda iyo maamulka Gobolka Banaadir.

Hoos ka Dhageyso Codka Madaxweyne Farmaajo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media