Dhageyso:-Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in la xalinayo tabashooyinka ay qabaan maamul Goboleedyada

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay Khudbad ka jeediyay Caleemo-saarka Madaxweyne Saciide Deni ayaa ka hadlay Xiriirka u dhexeeya dowlada Federaal iyo maamul Goboleedyada dalka ka jira.

Madaxweyne Farmaajo ayaa marka hore u mahadceliyay Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas,isagoo ku amaanay howshii uu soo qabtay inta uu xilka haayay.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay Ciidamada Puntland iyo Musharaxiintii ka qeyb gashay Doorashii ka dhacday Magalaada Garoowe,isla markaana ay u aqbaleen sida wanaagsan Natiijadii ka soo baxday Doorashada.

Farmaajo ayaa tilmaamay muhiimadda midnimada, wadajirka iyo iscafinta si loo helo Dowlad ka shaqaysa xaqiijinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed iyo dib u soo celinta maqaamkii ay ku lahaayeen dunida.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay adkeynta wadashaqeyn buuxda oo ka dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka ka jira.

Dhinaca Madaxweynahaa ayaa tilmaamay in ay loo baahan Mucaarad,hayeeshee kan loo baahan yahay uu yahay markii xaalad kulul ay jirto oo ula jeedio in Mucaaradkaasi uusan la jirin Dowladdo shisheeye uuna agtaagnaado dowladiisa.

 

Hoos ka Dhageyso Codka Madaxweyne Farmaajo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media