Dhageyso:-Madaxweyne Farmaajo oo shaaciyay qaab cusub oo Dowladda ay ula dagaalameyso Al-shabaab

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka go’an tahay in Al-shabaab ay ka dulqaadaan dadkeenna, kana xoreeyaan dalka, arritaasna ay Dowladdu ka leedahay qorshe cad oo muddo la diyaarinayey.

“Ciidanka waxaan u tababareynaa qaabka ay u dagaallamaan, waxaana hubaa muddo yar oo kooban in aan ka adkaanayno, sidii hore ee aan ula dagaalayney Xamar markii laga bixinaayay sax bay ahayd, maxaa yeelay iyaguna dhufeysyo ayay ku jireen, innaguna dhufeysyo laakiin hadda qaab ka duwan oo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ayay u dagaallamaan, marka waa in loo helo ciidan noocaas u tababaran.”

Hadalkan ayaa Madaxweyne Farmaajo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu ka sheegay Munaasabadda xuska sannad guuradii 59-aad ee ka soo wareegtay markii la asaasay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Maanta lagu qabtay.

Hoos ka Dhageyso Codka Madaxweyne Farmaajo.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media