Dhageyso:-Madaxweyne farmaajo oo Magacaabay Guddi ka Shaqeeya Sidii Ciidamada Amisom loogala wareegi lahaa Amniga Dalka

Xarunta  Aqalka Madaxtooyada Villa Soomaaliya waxaa amanta kulan ku yeeshay xubnaha Golaha Amniga Qaran iyo Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaliya Maxamed cabdullaahi Farmaajo,kulankaas oo looga hadlyay arimo ku sabsan amniga dalka.

Kulnka oo ay goobjoog ka ahaayeen dhamaan Saraakiisha laamaha amniga Soomaaliya ayaa waxaa intiisa badan looga hadlayay sidii Ciidamada Soomaaliya ay Amisom uga wareegi lahayeen amnig dalka Soomaaliya.

Inta uu kulanka socday sidoo kale waxaa ka hadlay Madaxweynaha Jamhuuriydda Soomaliya Mxamed cabdullahi Farmaajo,waxa uuna sheegay in Ciidamada dowladda Soomaaliya ay noqdan kuwo wada Shaqeeya si looga gudbo iskudhacyada mararka qaar ka dhexdhaca Ciidamada.

Markii uu Shirkaas soo gaba gaboobay waxaa Saxaafada uga Warbixiyay taliye ku xigeenka  labaad ee Ciidanka Booliiska Soomaaliya General Bashiir Cabdi Maxamed.

Hoos ka Dhageyso Codka Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaliya

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media