Dhageyso:-Madaxweyne Farmaajo oo la hadlay Shacabka M/Cadaado+Sawirro

Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Cadaado,iyadoo Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya,Maamulka Galmudug,siyaasiin, waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ay soo dhaweeyeen Madaxweynaha.

Ammaanka magaalada Cadaado ayaa siweyn loo adkeeyey,waxaana lafilaya wafdiga madaxweyanaha in uu kulamo la qaato masuuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa marka hore u mahadceliyay Boqolaal Shacab ah oo ku soo dhaweeyay Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG ee Maamulka Galmudug.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in socdaalka uu ku marayo gobollada Galmudug uu yahay mid uu ku xoojinayo nabadda iyo is dhex-galka Bulshada.

Hoos Ka Dhageyso Codka kana Daawo Sawirrada.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media