Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dalka haatan ay ka jiraan dhibaatooyin badan,isagoona dhaliil u jeediyay Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah dowladda.
Sidoo kale Madaxweynaha sheegay in dalka ay ka jiro siyaasad aad xun,isla markaana la doonayo in la bilaabo qalalaase siyaasadeed oo looga hadlo dowladd oo dhan,taasina aysan mucaaradnimo aheyn,hayeeshee ay tahay mid lagu duminaayo dowladda.
Waxaa kaloo uu tilmaamay Madaxweynaha in dhibaatooyinka dalka geysta ay qeyb ka tahay Faragalin shisheeye oo caado noqotay,isagoona xusay in loo dacwoodo Beesha caalamka ay tahay mid lagu duminaayo dowladda.
Halkaan ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa uu ka sheegay Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo Maanta ka furmay Magaalada Muqdisho.
Hoos ka Dhageyso Codka Madaxweyne Farmaajo.