Dhageyso:-Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay dagaal beeleedyada ka jira gobolada dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dagaal beeleedyada ka jira qaar ka mid ah Gobolada dalka iyo kaalinta dowladda Soomaaliya ku leedahay sidii xal looga gaari lahaa.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku howlan tahay dagaal beeleedyo ka socda tuulooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe,sidoo kale ay xal ka gaaren dagaal beeleedyo ka jiray Magalada Marka.

Waxa uu soo hadal qaaday dagaal beeleedyadii ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolada Galgaduud iyo Hiiraan,waxana u sheegay in dowladda wafdi u dirtay,isla markaana ay ku howlan yihiin xalinta dagaal beeleedyadaas.

Hadalkaan ayaa Madaxweyne Farmaajo waxa uu ka sheegay Munaasabad lagu Caleemo saarayay Madaxweynaha Koonfur Galbeed taa soo lagu qabtay Magalada Baydhabo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor